Kooxaha Horyaalka La Liga Oo Lacagta Ugu Badan Ka Helay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Premier Leaque Oo Lacagta Ugu Badan Ku Bixiyay.
Muddo saddex todobaad ah ayaa ka hadhsan suuqa kala iibsiga ciyaartoydu waqtigii uu xidhmi lahaa laakiin haddaba horyaalada Yurub ugu waa wayn ayaa ku kala duwan lacagta ay suuqa kala iibisa ku bixiyeen iyo waliba lacagaha ay ka heleen ciyaartoyda kooxahooda ka baxay.
Horyaalka Spain ee La Liga ayaa xagaagan ah horyaalka lacagta ugu badan ka sameeyay ciyaartoy ay iska iibiyeen kooxaha ree Spain halka horyaalka England ee Premier Leaque uu yahay horyaalka lacagta ugu badan suuqa ku kharash gareeyay.
Kooxaha horyaalka Spain ee La Ligaha ayaa ciyaartoydii ay iska iibiyeen ka helay 653.95 milyan euros waxayna inta ugu badan lacagtani ka timid ciyaartoy ay Real Madrid iyo Barcelona iibiyeen xagaagan oo ay ay ka mid yihiin Neymar Jr, Alvaro Morata iyo Danilo. halka kooxda Sevilla ay iyaduna suuqa ka heshay 76 milyan euros.
Sida lagu shaaciyay Transfermarkt horyaalka La Liga ayaa sidoo kale marka la eego lacagta ay heleen iyo lacagta ay ciyaartoyda kula soo wareegeen waxaa badan lacagta ay suuqa ka heleen iyo ciyaartoyda ay iska iibiyeen halka horyaalka Premier leaque uu yahay kan lacagta ugu badan suuqa ku bixiyay. Laakiin sidoo kale horyaalka Premier leaque ayaa sidoo kale ah horyaalka labaad ee lacagta ugu badan ka helay ciyaartoyda ay kooxihiisu iibiyeen.
Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa ah horyaalka saddex ee lacagta ugu badan ka helay ciyaartoy ay kooxaha ka dhisani iibiyeen halka horyaalka Germany ee Bundesliga uu yahay kan shanaad.
No comments: