UEFA Oo Sharaxaad Buuxda Ka Bixisay Sharciga Ay Kooxi Koobka Rasmiga Ah Ee Champions Leaque-ga Lagu Gudoonsiin Karto, Real Madrid Oo Hal Talaabo U Jirta Iyo Kooxihii Sharcigii Hore Ka Soo Faa’iidaystay.
Ka hor xili ciyaareedka cusub xidhiidhka kubbada cagta Yurub ayaa soo saaray warbixin uu sharaxaad kaga bixinayo qaabka Real Madrid ay ugu guulaysan karto koobka rasmiga ah ee Champions Leaque-ga. Real Madrid ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku soo guulaysatay koobka Champions Leaque-ga kadib markii ay Juventus guul wayn kaga gaadhay magaalada Cardiff.
Laakiin Los Blancos ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysankarta koobkan xili ciyaareedka cusub si ay u hesho koobka rasmiga ah ee Champions Leaque-ga.Laakiin iyada oo isbadal lagu sameeyay qaabkii loo bixin jiray koobka dahabka ah ee Champions Leaque-ga ayay wali kooxda buuxisa shuruuduhu heli kartaa koob dahab ah oo rasmi ah balse aan sidii waqtigii hore ahayn koobka lagu soo bandhigo xafladaha UEFA kaas oo ay UEFA sii haysan doonto
Laakiin UEFA ayaa sharaxaad ka bixisay qaabka loo badalay sharcigii hore ee lagu bixin jiray koobka Champions Leaque-ga waxaana jira laba sababood oo ay kooxi ku qaadan karto koobka dahabka ah ee Champions Leaque-ga taas oo ay horeba u soo qaateen kooxo Yurub ahi.
Waxaa warbixinta UEFA lagu bilaabay: “Real Madrid waxay noqon kartaa kooxdii ugu horaysay taniyo 1976 kii ee xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysata koobka kooxaha Yurub, waqtigii hore waxay tani la micno ahayd in ay si kama danbays ah u haysato koobka origianalka ama rasmiga ah… hadda…. hadda”.
Laakiin Uefa oo qoraalkeeda sharaxaad ku sii bixinaysa ayaa lagu yidhi: “Sharci la soo saaray xili ciyaareedkii 1968/69 kii ayaa sheegayay in koobku uu hantida koox kasta nooqon kasta karo taas oo tartanka ku guulaysata shan jeer ama saddex sano oo xidhiidh ah taas oo marka hore koob la’aan ka soo bilawday, si kastaba ha ahaatee, sharciga qodobkiisa Articale 11.1 ayaa la badalay xili ciyaareedkii 2008/09 wuxuuna hadda yahay…”
Sharciga koobka sida rasmiga ah kooxda loogu wareejinayo ayay UEFA ku sheegtay: “Koobka rasmiga ah kaas oo loo adeegsaday bandhiga xaflada finalka iyo xafladaha kale ee ay ansixisay UEFA waxa uu waqtiga oo dhan ahaan doonaa hantida UEFA waayna sii haysan doontaa. Koob si buuxda looga soo minguuriyay koobkan UEFA Champions Leaque-ga ee lagu guulaystay ayaa lagu abaal marin doonaa kooxda”.
UEFA oo tusaale u soo qaadanaysa kala duwanaanshaha sharcigii hore iyo kan hadda lagu hawl galo ayaa xustay kooxihii ka soo faa’iidaystay sharciga hore waxanaa qoraalka lagu yidhi: “Hanaankii hore, shan kooxood ayaa koobka wayn la gudoonsiiyay ee markaas la isticmaalayay, sidaa daraadeed waxay haystaan koobkii originalka ama rasmiga ahaa ee Yurub”
Waxayna UEFA soo bandhigtay kooxaha haysta koobabka rasmiga ah ay dahabka ka samaysan ee ay UEFA sida tooska ah ugu soo wareejisay waxaana lagu yidhi:-
Real Madrid – Waxaa lagu abaal mariyay koobkii hore ee rasmiga ahaa 1967
Ajax (Saddex koob oo xidhiidh ah, 1973)
Bayern München (Saddex koob oo xidhiidh ah, 1976)
AC Milan (koobkeedii shanaad, 1994)
Liverpool (koobkeedii shanaad, 2005)
Sida aad arki karto ee ay UEFA shaacisay kooxaha AC Milan iyo Liverpool ayaa koobka rasmiga ah ee Champions Leaque-ga ku helay in ay min markii shanaad ku guulaysteen laakiin Barcelona oo markii shanaad ku guulaysatay sanadkii 2015 kii iyo Real Madrid oo sanadkii 2016 kii markii labaad gaadhay shan koob maadaama oo ay markii tobnaad qaaday ayaan helin koobka rasmiga ah sababtoo ah sharciga danbe ayaa u diiday.
Waxaana qoraalka UEFA ee lagu sharaxay arintan lagu yidhi: “Koobkii shanaad ee Barcelona ee 2015 kii iyo koobkii shanaad ee Real Madrid ee 2016 kii waxay dhaceen markii labaday shacigan. Kooxaha markii shanaad ku guulaysta ama markii saddexaad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay ku guulaysta waxaa hadda la siin doonaa bilad sharafeed garbaha loogu toli doono taas oo ka kooban tirada koobabka ay soo qaaday. Barcelona ayaa sanadkii 2015 kii kula biirtay Real Madrid, AC Milan, Bayern Munich, Liverpool iyo Ajax kuwaas oo bilad helay”.
Waxayna UEFA sii raacisay kooxaha ugu koobabka badan Yurub: “Kooxaha koobabka yurub ee ugu badanku soo guulaystay Real Madrid 12, AC Milan 7 iyo Barcelona, Bayern München, Liverpool 5”.
Intaa kadib UEFA ayaa soo bandhigtay kooxaha guulaha ugu badan ee xidhiidh ah ka soo hooyay koobka tartanka kooxaha Yurub: “Guulaha ugu badan ee xidhiidhka ah ee European Cup/UEFA Champions League waxay kala yihiin Real Madrid 5 (1956–1960),Ajax 3 (1971–1973), iyo Bayern München 3 (1974–1976)”.
Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Zinedine Zidane awoodo in kooxdiisa Real Madrid ay xili ciyaareedka cusub markii saddexaad oo xidhiidh ah ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga waxaa Los Blancos loo gacan galin doonaa koob dahab ah oo laga soo min guuriyay kan ay hadda ku guulaysatay ee ay haysato kaas oo dahab ka samaysan, la qaab ah, si kasta ula mid ah balse koobka rasmiga ah ee ay ku guulaysatay ayay waqtiga oo dhan UEFA lahaan doontaa.
Tartanka Champions Leaque-ga ee ay UEFA sharaxaad ka bixisay koobkiisa ayaa jimcaha la samayn doonaa isku aadkiisa kulamada Play-offka ee heerka groupyada loogu soo baxayo iyada oo isla bishan dhamaadkeeda la qaban doono isku aadka heerka groupyada markaas oo ay koox kastaaba ogaan doonto cida ay la ciyaari doonto.
No comments: