xirfad news

RASMI: PSG Oo Ugu Danbayn Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiskii Taariikhda Kubbada Cagta Abid Ugu Qaalisanaa Oo Ay Neymar Jr Kula Wareegtay.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ugu danbayn si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay heshiiskii kubbada cagta aduunka abid ugu qaalisanaa kadib markii uu xidiga ree Brazil sii bixiyay lacagta heshiiskiisii Barcelona lagu burburin karayay. Waxayna PSG farxad wayn ka muujisay ugu danbayn ay gacanteeda ku dhitay xidiga ree Brazil oo ay waqti dheer daba socotay.

Warka rasmiga ah ee ay PSG ugu dhawaaqday heshiiska taariikhiga ah ee Neymar ayaa lagu yidhi: ” Paris Saint-Germain waxay aad ugu faraxsan tahay imaatinka kooxda ee Neymar Jr. Khamiistii waxa uu xidiga ree Brazil saxiixay heshiis shan sano ah  iyada oo ay goob joog ka ahaayeen wakiilada kooxdu. Hadda waxa uu Neymar jr mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda caasimada France ilaa June 30,2022″.

Qoraalka PSG ayaa oo Neymar looga sii hadalayo ayaa lagu yidhi: “Ka soo wareegista kooxda kubabda cagta Barcelona, xidigii hore ee Santos waxaa loo tixgaliyaa astaan kubbada cagta aduunka ah, mid ka mid ah saddexda ciyaartoy ee aduunka ugu fiican kaas oo heerka ugu saraysa kaga soo ciyaaray shantii sano ee ugu danbaysay”.

Neymar Jr oo 25 sano jir ah ayaa xulka qarankiisa Brazil ka soo ciyaaray 77 kulan wuxuuna soo dhaliyay 52 gooll  wuxuuna ka mid ahaa kooxdii Brazil ee sanadkii hore taariikhda ka samaysay ciyaaraha Olymbikada oo ay markii ugu horaysay Brazil taariikheeda ku soo guulaysatay bilada dahabka ah.

Neymar Jr ayaa waqtigii ugu fiicnaa ee waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay Barcelona kadib markii uu xidhiidh layabaleh la samaysay Messi iyo Suarez waxayna aduunka kaga soo yaabsadeen gool dhalintii ay sameeyeen saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay oo ay mid kasta soo dhaliyeen goolal ka badan 100 gool.

Laakiin qaabka xun ee uu kaga baxay Camp Nou ayaa keentay in jamaahiirta Barcelona ay gubaan maaliyadiisa iyaga oo ku tilmaamay khiyaanoole. Khilaafka uu abuuray Neymar ayay iskugu dhaceen maamulka horyaalada La Liga iyo France taas oo keentay in UEFA iyo FIFA ay arinta soo faro galiyaan.

Laakiin in Barcelona ay wakiilada Neymar ka gudoontay lacagtii heshiiskiisa lagu burburin karayay ayaa soo gabagabaysay weerarkii suuqa kala iibsiga uu ka abuuray xidiga ree Brazil taas oo hadda tusaale u noqonaysa in ciyaartoy kasta oo ay PSG doonayo ay lacagta waali ah ku heli karto, balse waxaa la sugayaa haddii ay UEFA baadhitaan ku samayn doonto kiiskan.

No comments:

Powered by Blogger.