Wargeyska El Espanol Oo Ogaaday Tuduc Ka Mid Ah Hadaladii Uu CR7 Ka Jeediyay Maxkamadda Qaadeysa Kiiskiisa Canshuur Lunsiga.
Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday maxkamadda Madrid si uu ula xaalo kiiska canshuuraha ee loo heysto waxaana lasoo wariyay inuu gudaha maxkamadda ka hadlayay muddo lagu qiyaasay saacad iyo bar sida warbixinada lagu helayo.
Cristano Ronaldo wuxuu aaminsan yahay inuu yahay mid aan dambi laheyn sidii uu markii horaba aaminsanaa wuxuuna diyaar u yahay inuu is difaaco ilaa daqiiqadda ugu dambeysa isagoo garab buuxa ka helaya qareenadiisa
“Hadii uusan magaceyga Cristiano Ronaldo ahaan laheyn, halkaan ma imaan laheyn” ayuu yiri kabtanka Portugal sida ay shaaca ka qaadeen wargeyska El Espanol iyo barnaamijka LaSexta ee ka baxa Al Rojo Vivo.
Si kastaba Ronaldo kalsooni buuxda ayuu isku qabaa mana uusan la hadlin dhamaan saxaafadii isugu timid banaanka maxkamadda kuwaas oo saacado u taagnaa iney xog yar ka helaan xidigaan heerka caalami
No comments: