Halyeega Kooxda Manchester United Ee Ryan Giggs Oo Manchester City U Sheegay In Xili Ciyaareedka Cusub Ay Ku Guuleysan Doonto Horyaalka Premier League-ga.
Halyeeygii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaran
>Inkastoo ay kooxda Manchester United suuqan xagaaga lasoo saxiixatay saddex ciyaaryahano muhiim ah ee kala ah Nemanja Matić, Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof, hadana Ryan Giggs ayaa sheegay in Manchester City ay tahay kooxda ugu dhaw ee ku guuleysan karta Premier League-ga xili ciyaareedka soo aadan.
Sababaha uu Giggs dhankooda u mariyay kooxda Man City horyaalka Premier League-ga ayaa ah kadib markii ay suuqan xagaaga ka sameeyeen saxiixyo dhowr ah ee aad u wanaagsan, xili la arkayay in maamulka SKY Blues ay sameeyeen saxiixyada kala ah, Danilo, Kyle Walker, Benjamin Mendy, Bernardo Silva iyo sidoo kale Ederson.
Hadaba Giggs oo la sheekasanayay “Sky Sports” ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan Aaminsanahay In Manchester City ay tahay kooxda ugu dhaw ee xili ciyaareedka cusub ku guuleysan karta horyaalka Premier League-ga”.
Laacibkii hore Man United ayaa sidoo kale sheegay: “marka aan u fiirino wax qabadkii Manchester City dhamaadka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, iyo in safka kooxdeeda ay ku heysato marka laga reebo kuwa cusub weeraryahano halis ah, sida Agüero, Gabriel Jesus, Leroy Sané, De Bruyne, Raheem Sterling iyo David Silva, waxaa la dhihi karaa waa kuwa ugu dhaw ee ku guuleysan kara tartankan”.
Giggs ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Waxa igu riixaya inaan aamino in Manchester City ay leedahay awooda ay sidaas ku sameyn karto, ayaa ah inay lasoo saxiixatay daafacyo aad u wanaagsan iyo goolhaaye da’ayar ah lehna tayo wanaagsan sida Ederson oo kale”.xataa anigii ayuuba iga diiday laacib ayaan ku sii buuxin caawa waxba ma qori karee
No comments: